Gabar yar oo da’adeeda lagu sheegay 15 sanno jir, laguna magacaabo Naciimo bashiir ayaa Xalay fiidkii arin naxdin leh ku dhaqaaqday, degaanka Goobweyn ee duleedka magaalada Kismaayo.
Gabadgab ayaa sumysay ayeeyadeed oo la oran jiray Dahabo Maxamed ka dib markii ay la sheegay inay ka carootay canaan ay u jeedisay, sida uu sheegay Guddoomiyaha Deegaanka Goobweyn Cumar Cabdulaahi Maxamed, waxayna arrintan naxdin weyn ku noqotay dadka degaankaasi.
Gabadha oo Sunta ka Soo iibisay Dukaan ku-yaalla Tuulladda Goobwayn ayaa Cashada ugu dartay ayeydeed Saacado ka dibna waxaa halkaa kugeeriyootay hooyadii la sumeeyey.
Qaar ka mida dadka degaanka Goobweyn ayaa sheegay in sunta aay gabadha raashinka ugu dartay ayeydeed  Dahabo Maxamed ay ahayd Sunta loo Iiticmaallo Beeraha ee lagu laayo cayayaanka.
Waxaa saaka degaankaasi tegay Ciidamadda Booliska magaalada Kismaayo oo soo qaaday Maydka haweeneyda iyo Gabadhii falka ka danbeysay