Magaalada Hargeysa saddex caruur ah oo walaalo ah ayaa ku dhintay
kaddib markii uu dab qabsaday gurigii ay deganaayeen, iyadoo Aabahoodna uu dhaawac helis ahi ka soo gaaray dabkaasi.
Taliyaha guud ee ciidanka Boliiska Somaliland General Cabdillaahi Fadal iimaan ayaa BBC u sheegay in saddexda caruurta ah oo ka ugu da’da weyni uu ahaa 12 sano ayna kala ahaayeen labo gabdhood iyo wiil oo saddexdoodaba ay dabka ku dhinteen.
Taliyuhu wuxuu sheegay in dilka caruurtaasi lagu eedeynaayo aabahood oo maskaxda ka jiran, kaas oo la sheegay in uu guriga isku soo qufulay iyadoo ay caruuru weheliyaan kadibna uu dab qabadsiiyay.
Boliiska denbi-baarista ayaa baaritaan ku haya shilkaas naxdinta leh, waxayna  arrintan ka mid tahay falal dhowr ah oo ka dhacay degaanada Soomaalida.
bbc