Monday, February 10, 2025

Deni, Qoorqoor & Axmed Madoobe oo xildhibaannada beelahooda taageero uga raadinaya Ra’iisal wasaare Rooble

Ra’iisal wasaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaab beel ahaan ula kulmaya xildhibaannada Golaha shacabka si uu kalsooni uga helo inta aanu hortegin Baarlamaanka on loo qaadin codka kalsoonida.

Kulamo kala gaara oo uu la yeeshay xildhibaannada kasoo jeeda Beelaha qaarkood ayey u ballanqaadeen kalsooni buuxda iyo inay is-garab taagi doonaan marka la hor keeno Baarlamaanka, waxaana sii socda kulamadaasi.

Xildhibananada Beesha Shanaad oo uu hoggaaminayaan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka iyo Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa kulan ugu tegay Ra’iisal wasaare Rooble iyagoo u muujiyey kalsooni, una sheegeay inay taageersan yihiin.

Ad

Dhinaca kale xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Dir oo uu hoggaaminayo Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal wasaaraha cusub, waxayna u caddeeyeen inay taageerayaan sidii uu kalsooni u heli lahaa.

Waxaa ololaha kalsooni u raadinta Ra’iisal wasaaraha cusub kusoo biiray Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo kulamo ay la yeesheen xildhibaannada labada Gole ee kasoo jeeda degaanadooda ka codsaday inay taageeraan, lana shaqeeyaan Ra’iisal wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisal wasaaraha magacaaban ayaa dib u dhigtay inuu hortago Golaha Shacabka inta uu la wada kulmayo xildhibaannada oo dhan, wuxuuna Caawa la ballansan yahay xildhibaannada Beesha uu kasoo jeeda ee Hawiye.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON