Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ku adkeystay in maamulkiisu qabanayo Doorasho Qof iyo Cod ah, isagoo siyaasiyiinta diidan Doorashadaasi ku tilmaamay kuwo aan haysan wax Sharci ah oo ay ku qanciyaan bulshada.
Deni oo khudbad xalay u jeediyay dadka Puntland, kadib markii uu kasoo laabtay safar uu muddo 2 bilood ah dibadda ku maqnaa ayaa ku eedeeyay Siyaasiyiinta ka horjeda qorshihiisa doorashada inay adeeganayaan Qori iyo jid-gooyo si ay u hor istaagaan Doorashooyinka dadweynaha.
“Dadka diidan Doorashada qof iyo cod ee doonaya inay joojiyaan markii ay waayeen xujo iyo sharci ay bulshada u soo bandhigaan waxay adeegsanayaan Qori iyo Jid-gooyo” ayuu yiri Siciid Cabdullaahi Deni oo sidoo kale sheegay in degmooyinka qaar laga hor istaagay Doorashooyinkii ka dhici lahaa.
Madaxweynaha Puntland oo ay muddo xileedkiisa ka harsan tahay laba bilood iyo bar ayaa ku celiyay rabitaankiisa ah inay dhici doonaan Doorasho Qof iyo Cod ah oo madaxda Putntland ay dadku soo dooran doonaan.
Dhinaca kale Madasha siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka hor timid rabitaanka Madaxweynaha Puntland, waxayna qoraal jawaab ah oo ay maanta soo saareen ku caddeyeen inaysan aqbaleynin Doorasho muddo kororsi ah oo Siciid Deni uu doonayo.
Puntland ayaa wajaheysa qalalaase siyaasadeed oo cakiran, iyadoo ay hore u dhaceen isku dhacyo hubeysan oo ku lug leh doorashada, iydaoo mar kale laga cabsi qabo xiisad siyaasadeed oo Puntland lugaha la gasho.