Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa degmada Aadan Yabaal oo ay Galabta gudaha u galeen ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka, iyadoo baaritaan lagu wado magaalada.
Aadan Yabaal oo ahayd Xaruntii ugu weyneyd Goblka Sh/Dhexe ayey isaga baxeen Alshabaab iyadoo aan wax dagaal ah la gelin ciidamada dowladda, waxaana dhacday in ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay mareen wadooyin Qarda-jeex ah si ay uga badbaadaan Miinooyin ay Alshabaab geliyaan Wadooyinka waaweyn.
Saraakiisha ayaa dib u celiyay ciidamadii gudaha u galay degmada Aadan Yabaal si baaritaan dheraad ah loogu sameeyo, waxaana dadka duleedka magaalada oo gacan siinaya ciidamada ay u tilmaameen jirintaanka halis Miinooyin.
Magaalada oo dad badan ay ku noolayeen ayaa gebi ahaanba haawaneysa caawa, kadib markii ay Alshabaab dadkii deganaa ku qasbeen inay ka qaxaan, si la mid degaanadii kale ee hor looga qabsaday.
Saraakiisha iyo ciidamada gudaha u galay magaalada ayaa soo arkay inaysan cidna ku harin magaalada, isla markaana Ceelashii magaalada ay Alshabaab ka furteen Bambooyinkii, kana qaateen.
