War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada amniga dowladda ay xireen wadadda muhiimka ah ee hor marta isbitaalka Banaadir, iyadoo qaraxa looga shakiyey Gaari yaalla agagaarka Sey Biano.
Gaariga oo ah nooca raaxada ayaa laga fogeeyay dadka, waxayna ciidamadu xireen jidka u dhow gaariga la sheegay in waxyaabaha qarxa lagu tuhunsan yahay inay ku xiran yihiin, xilli kastana uu qarxi karo, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Booliska.
isu socodka gaadiidka jidkaasi ayaa hakad galay, waxaana loo yeeray ciidamada miino baarista si ay gaariga ula tacaalaan.

LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA…