Sunday, February 16, 2025

DEGDEG: Xukuumadda Somaliya oo 7 maalmood u qabtay inay dalka uga baxaan Hay’adaha Turkiga ee NILE & DEVA

War iminka soo dhacay ayaa sheegay in golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay qaateen go’aan dalka looga saarayo laba hay’adood oo Turki ah kana howlgala magaalada Muqdisho.

Kulan gaara oo Golaha wasiirada ku yeesheen Muqdisho ayaa Hay’adaha NILE Academy iyo DEVA loo qabtay inay muddo 7 maalmood ah uga guuraan Soomaaliya. iyadoo lagu xiriirinayo Inqilaabkii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga, waxayna hoos tagaan wadaad ku kacsan dowladda Turkiga oo fadhigiisu yahay Mareykanka laguna magacaabo Fethullah Gulen.

Ma cadda qaabka arrintan loo caddeyn karo, laakiin waxaa arrintan ay soo jirtay muddo oo dowladda Turkiga ay daba joogay Hay;adaha iyadoo ku eedeyneysa inay argagixiso xiriir la leeyihiin, waxaana hore u jiray dalab in Soomaaliya laga eryo oo ka yimid madaxweynaha Turkiga inqilaabka ka hor.

Ad

Labadan Hay’adood ee NILE iyo DEVA ayaa adeegyo waxbarasho iyo caafimaad oo muhiim ah u hayay dadka Soomaaliyeed, waxaana cad inay sababsadeen siyaasadaha madaxweyne Ordogan ee qaarkood qalafsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku qasbanaatay inay fuliso dalabka madaxweynaha Turkiga, waxayna arrintan ku soo beegantay xilli uu isku day afgembi ka badbaaday.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON