Tuesday, May 21, 2024

DEGDEG: Xoghayihii degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho oo toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd toogasho lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Koox hubeysan ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen kadibna khaarijiyeen xoghayihii degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho C/raxmaan Calasow,  xilli gaari uu la socday uu marayay isgoyska Korontada ee degmadaasi, waxaana isla weerarka lagu dhaawacay guddoomiye waaxeed ka tirsan degmadaasi.

Weerarka ayaa loo adeegsaday gaari ay wateen koox dabley ah oo lagu hor gooyay gaari ay la socdeen xogyaha iyo mas’uuliyiin kale, waxaana sidoo kale la dilay laba ka mida ilaaladii xoghayaha.

Ad

Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta falkan dilka ah ka dhacay, iyadoo baaritaanno waa mana jiraan cid loo qabtay ilaa iminka.

Falalka khaarijinta iyo qaraxyada ayaa si xowli ah uga socda magaalada caasimadda ah, iyadoo dowladda cusub ay wajaheyso xaalad amni oo liidata.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON