Madaxweynayaashii hore ee dalka, kana mida Midowga Musharixiinta ayaa caawa degay agagaarka Taallada Daljirka Dahsoon oo Jimcaha ay shaaciyeen inay ku qaban doonaan bannaanbax lagu dalbanayo Doorasho iyo inuu talada wareejiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo hoggaamiya midowga musharixiinta ayaa degay Hotelka Maa’ida (Ex. Naasahablood II), waxaana wehliya ciidamo ilaalo u ah oo sugaya Amnig agoobta, iyagoo isugu diyaarinaya bannaabaxa Jimcaha.
Wararka ayaa sheegaya inay ku biiri doonaan mushariixinta kale, taageerayaal iyo ciidamo, iyadoo uu si xowli ah u socda bannaanbaxa ay wadaan Musharixiinta mucaaradka oo ay diidan tahay dowladda Federaalka.
