Saturday, April 19, 2025

Weriye ka tirsan Warbaahinta Goobjoog oo lagu xiray Muqdisho

Weriye ka tirsan Warbaahinta Goobjoog ee magaalada Muqdisho ayaa xabsiga loo taxaabay, sida ay xaqiijisay warbaahinta uu ka howlgalo.

Wariye C/casiis Axmed Gurbiye oo ka mida weriyeyaasha ka howlgala Goobjoog Media, kana haya xilka tifaftire iyo agaasime ku xigeen ayaa goor dhaweyd lagu xiray saldhiga booliiska degmada Hodon ee magaalada Muqdisho oo ay ku taallo xarunta Warbaahinta Goobjoog.

Lama oga waxa lagu heysto weriyahan, laakiin waxay wararka qaar sheegayaan inuu baraha bulshada ku qoray warar aysan jecleysan Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo faafiyey in Madaxweynaha Soomaaliya uu qaatay Mishiin caafimaad oo xaaladda degdegga loogu talogalay, kaasoo loogu deeqay Isbitaalka De-Martino.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON