Wararka laga helayo magaalada Brussels ayaa sheegaya in wafdigii maamulka Jubbaland laga hor istaagay ka qeybgalka furitaanka shirka Brussels ee arrimaha Soomaaliya.
Sida ay shaacisay barta rasmiga ah ee Jubbaland in wafdiga Jubbaland ee Axmed Madoobe horkacayey aysan ka qeyb galeynin furitaanka shirka Brussels, kadib markii wax laga bedelay ajendaha shirka daqiiqadihii ugu danbeeyay iyadoo loo cuskaday nidaamka shirka.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo uu khilaaf ka dhex taagnaa Maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Federaalka, kaasoo keenay in taliye ay magacawday dowladda Soomaaliya laga soo celiyo garoonka magaalada Kismaayo.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…