Wednesday, May 21, 2025

DEGDEG: Wadahadalkii Itoobiya iyo ONLF ee Nairobi oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya inuu soo dhammaaday shirkii lagu dhexdhexaadineyay dowladda itoobiya iyo jabhadda ONLF ee Soomaali galbeed.

Shirkan oo dowladda Kenya ay dhexdhexaadineysay ayaa qaatay waqti ka badan intii loogu talogalay, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inuu ku soo dhammaaday natiijo la’aan, kadib markii labada dhinac gaari waayeen heshiis kama danbeys ah.

Xubno ka mida dowladda Kenya oo dhexdhexaadinta waday ayaa laga soo xigtay in mar kale lagu ballamay shir kale oo ay labada dhinac isugu yimaadaan, iyadoo aan waqti loo qaban xilliga dib la isugu soo laabanayo.

Ad

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo xaaladda Itoobiya ku jirto isbedel kadib markii uu is casilay ra’iisal wasaarihii dalkaasi, lana filayo xaalad cusub ay gasho Itoobiya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON