Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in dowladda Suudaan ay xiriir diblomaasi la yeelatay Israa’iil.
Warkan oo goor dhoweyd soo baxay ayuu Madaxweynaha Mareykanka in dowlad kale oo Carbeed ay ku biiray dalalka xiriirka diblomaasi iyo iskaashiga la yeelanaya dalka Israa’iil, waxaana bayaan wadajir ah hadda soo saaray dowladaha Mareykanka, Suudaan iyo Israa’iil, waxaana dalka Suudaan laga liiska dalalka taageera argagixisada.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa cadaadis ku hayey dalalka Carbata si ay xiriir caadi ah ula sameystaan dalka Israa’il, waana dalkii saddexaad ee tallaabadan qaada kadib Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn.
Suudaan ayaa dhowaan bixisay magdhow ka badan 300 Milyan oo doolar oo la siinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay magaalooyinka Nairobi iyo Daarusalaam.
Madaxweyne Trump ayaa laga sugayaa inuu go’aanka liiska argagixisada loo saarayo u gudbiyo Koongareeska Mareykanka.
Shaabka Suudan ayaa si weyn u diidan inay Yuhuudda la yeeshaan xiriir, waxaana laga cabsi qabaa in bannaabaxyo waaweyn ka dhacaan Suudaan oo uu hadda ka taliyo Gole milateri.
