Monday, October 2, 2023

DEGDEG: Telefishanka Iran oo shaaciyey in Askar Mareykan ah lagu dilay Weerarkii saldhigga ku yaalla Ciraaq…

Telefishanka dalka Iiran ayaa goor dhoweyd shaaciyey in weerarkii Gantaallaha ee lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee Ceyn-Al-asad ay ku dhinteen askar badan oo Mareykanka ah.

Warka Telefishanka Iiraan ayaa la sheegay in laga soo xigtay ilo ka tirsan Ciidamada dalkaasi, kaasoo sheegaya in 80 askari oo Mareykan ah ku dhinteen duqeynta saldhigga Ceyn Al-asad, iyadoo aan si rasmi ah loo shaacin warkan oo shaki badan laga muujinayo in qasaare intaas la eg ay geysteen 15 gantaal oo ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ku rideen saldhiggaasi.

Mareykanka ayaa sheegay inaysan jirin wax qasaare ah oo ay geysteen gantaallaha Iiraan, sida warbaahinta Mareykanka kasoo xigatay saraakiisha wasaaradda difaaca Mareykanka, waxaana weli wax War ah kasoo bixin dowladda Ciraaq.

Ad

Warka Telefishanka Iiraan ayaan si rasmi loo xaqiijin marka laga reebo in laga soo xigtay ilo xaaladda u dhuun daloola.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,984FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!