Thursday, April 24, 2025

DEGDEG: Taliyaha iyo Abaanduulihii ciidamada Milateriga Soomaaliya oo xilalkii laga qaaday

Taliyaha ciidamada Milateriga xoogga dalka Soomaaliyeed General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa xilka laga qaaday iyadoo muddo ka badan sanad la filayay in xilka qaadistan ay dhacdo.

Shirka Golaha wasiirada ee Khamiislaha oo weli socda ayaa war degdeg ah oo aanu ka helnay wuxuu sheegayaa in Jen. Indha-qarshe xilkii laga qaaday, iyadoo loo ansixiyay in loo magacaabo xil kale. Waxaa kaloo xilka laga qaaday Abaanduulihii ciidamada Milateriga Gen. C/risaaq Khaliif Cilmi.

Ma jirto sabab la sheegay in loo cuskaday xil ka qaadistiisa, waxaana muddooyinkan dambe caadi noqotay in golaha wasiirada ay xilal ka qaadaan una magacaabaan taliyeyaal ciidan iyadoo sharcigu ahaa in Madaxweynaha uu magacaabo, golaha wasiiradana ay yeeshaan soo jeedin. Go’aanka golaha wasiirada ayaa loo gudbinayaa madaxweynaha.

Ad

Xil ka qaadista taliyaha ciidamada xooga ayaa xog hoose sheegeysaa inay ka mid tahay heshiis hoose oo dhex maray madaxweynaha iyo dhinacyo siyaasadeed oo kala duwan.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON