Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay qof ku eedeysan inuu ka dambeeyay in la faafiyo oo dibadda loo bixiyo imtixaankii dowladda ee Dugsiyada Sare sanad dugsiyeedka 2018-2019.
Hoggaanka baarista dembiyada ciidamada Booliska ayaa xiray shaqsi loo heysto bixinta imtixaanka dowladda, kaasoo lagu magacaabo Eedeysane Jamaaludiin Xasan Xersi oo ah 29 sano jir, kana shaqeeya Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, waxaana lagu soo eedeeyay bixiynta iyo faafinta imitixaankii dowladda ee Shahaadiga Dugsiyada Sare.
Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay magaalada Muqdisho ka sheegay in baaritanka uu yahay mid bilow ah, dad kalana la filayo inay ku lug yeeshaan.