Tuesday, March 25, 2025

DEGDEG: Sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhoweyd toogasho lagu khaarijiyey sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya.

Koox ku hubeysan ayaa sarkaalkan ku weerartay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana sarkaalka la dilay magaciisa lagu sheegay Farxaan Barkhadle. Dilka sarkaalkan ayaa ka dhacay Xaafadda Jaamacaddaha.

Dadka degaanka ayaa sheegay in sarkaalka la dilay xilli uu kasoo baxay Gurigiisa oo ku yaalla xaafadaha jaamacadaha, Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka qaadeen Meydka Marxuumka la dilay, waxaana loo qaaday xarunta Dambi baarista ee CID-da, si baaritaano loogu sameeyo.

Ad

Ciidamada ayaa halkaasi ka bilaabay baaritaanada la xiriira dilkan, waxaana ay sheegeen sheegeen in ay ku raad joogaan raggii ka dambeeyay dilka Farxaan Barkhadle.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON