War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in safiirkii dalka Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga toogasho lagu dhaawacay.
Safiirka oo lagu magacaabo  Andrey Karlov ayaa la sheegay in lagu dhaawacay magaalada  Ankara xilli khudbad ka jeedinayay carwo kuu ka qeyb galay.
Warbaahinta Turkiga ayaa soo werisay in Safiirak Ruushka laga toogtay dhabarka dhow jeer, waxaana gaaray dhaawac culus.
Ninka falka toogashada ah geystay ayaa la sheegay inuu dadkii goobta ku sugnaa u ogolaaday inay isaga tagaan, wuxuuna ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid tahay magaalada Xalab ee dalka Suuriya.
Ciidamada Boolis Turkiga ayaa la sheegay inay tacshiirad is weydaarsadeen ninka hubeysan oo halkaasi lagu dilay, waxaana goobta shilku ka dhacay gaaray wasiirka Arrimaha gudaha Turkiga.
Wakaalado