Saturday, April 26, 2025

Sacuudiga, Turkiga, Somalia, Qatar & Dalal kale oo shaaciyey inaysan Berri Ciid ahayn

Dalalka Sacuudiga, Qatar, Turkiga, Indonesia, Malaysia, Somalia, Imaaraadka, Yeman, Syria iyo dalal kale ayaa shaaciyey in Berri ay tahay 30-ka Bisha Ramadaan, iyadoo Axadda 24-ka May ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul fitriga.

Go’aannada kasoo baxay dalalkan ayaa ka danbeeyay markii ay suuragal noqon weyday in la arko Bishii Shawaal, isla markaana la caddeeyay inaasan la arki karin, waxaana Berri ay noqoneysaa in la dhammeystiro 30ka Bisha Ramadaan.

Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa go’aan ay soo saartay ku sheegtay in Berri oo Sabti ah la dhammeystirayo 30-ka Bisha Ramadaan, maalinta Ciida ahna ay ku began tahay Axadda oo ah 1-da Shawaal.

Ad

Wasiirka Awqaafta iy Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur  Maxamed Xasan ayaa shaaciyey in Axadda ay tahay Ciid, isla markaana Berri oo Sabti ah la dhammeystirayo Bisha Soon. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed la wadaagaynaa xaqiijin qotodheer kadib inay Berri oo Sabti ah aanay ahayn Ciid; sidaas darteed waxaa la dhamaystirayaa Bisha Ramadaan” ayuu yiri Wasiir Sheekh Nuur.

Hore ayaa loo saadaaliyey inaan Jimcaha 29-ka Ramadaan aysan suuragal ahayn in la arko bisha Soonfur.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON