Monday, February 17, 2025

Rasaas laga maqlay magaalada Khartoum iyo Ciidamadii Nabadsugidda dalka Sudan oo gadooday..

Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda iyo sirdoonka dalka Suuaan ayaa ku dhaqaaqay gadood iyagoo xirtay xarumaha ay ka degan yihiin magaalada Khartuom, isla markaana rasaas ay rideen laga maqlay xarumahaasi intii aysan isku dhicin ciidamad Booliska.

Ciidamadan ayaa la sheegay in la kala dirayo iyadoo tiradoo gaareyso 13-kun askari, waxaana la dhisay sanadkii 2005 markii uu hay’adda sirdoonka dalkaasi madaxda ka ahaa Salah Gosh, dowladii Jen. Cumar Albashiir, laakiin xukuumadda cusub oo dib u habeyn ku sameyneysa ciidamada dalkaasi ayaa ciidaman u soo jeediyey inay ku biiraan Milateriga iyo kuwa Birmadka, iyadoo aan l aogeleyn in sirdoonka dalkaasi ay yeeshaan ciidamo hubeysan.

Ciidamadan ayaa ku adkeystay inay isaga tageyaan shaqada oo aysan dooneynin inay ku biiran ciidamada kale ee dalkaasi, balse la siiyo xuquuqdooda muddo 20 sano ku dhow oo ay shaqeynayeen, waxaana la sheegay inay ka gadoodeen xuquuqda loo ogolaaday oo aad u yar.

Ad

Xaaladda ayaa weli kacsan iyadoo wadooyin muhiim ah oo xarumahooda ku yaalla ay xirmeen, waxaana rasaas is weydaarsaday ciidamda Booliska iyo ciidamada gadoodsan, iyadoo aan laa soo werin wax qasaare ah oo ka dhashay rasaasta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON