Qarax xoog leh ayaa goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Suuq Bacaad.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, Laanta Suuq Bacaad, waxaana wararka qaar sheegayaan inuu jiro qasaare ka dhashay qaraxa.
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana goobta tegay ciidamada ammaanka halkaasoo la xiray.
Wararka ayaa sheegay in gaariga qarxay uu xiriir le leeyahay kooxda goor dhoweyd laba ruux ku dishay degmada Yaaqshiid. Kooxda dilka geysatay ayaa wadatay gaariga oo ay eryadeen ciidamada kadibna waxay uga degeen Suuq Bacaad, halkaas oo gaarigu ku qarxay.
NISA ayaa sheegtay in gaariga uu keligiis qarxay oo aanay jirin wax qasaare ah. Balse wararka ayaa sheegaya in qof haweeney ah ay ku dhimatay iyadoo laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobjooge.com