War degdeg ayaa ka soo baxaya qarax goor dhoweyd ruxay caasimada dalka Turkiga ee Ankara.
Qaraxa ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Ankara iyadoo uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lala beegsaday xaafada  Kizilay  oo ah meel basaska laga raaco oo busteejo weyn ah.
Telefishanka NTV ayaa ku waramay in la arkayay baabuur badan oo holceysa, waxaana la soo weriyay dhimasho iyo dhaawac uu dhaliyay qarax.
Gawaarida gargaarka degdega ah iyo ciidamada gurmadka aha goobta degdeg ku gaaray, waxaana qasaaraha qaraxa dhaliyay hordhac ahaan loo sheegay inay jirto dhimasho.
Faahfaahin kale….
Goobjooge.com