Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in goor dhoweyd lagu dilay halkaasi ergay ka tirsan ergada beesha Murusade ee dooraneysa xildhibaanada aqalka hoose.
Ergeyga ayaa goordhow lagu dilay albaabka laga galo Madaxtooyada Galmudug ee magaalada Cadaado, waxaana lagu magacaabaa Cabdullaahi Caraale Didab.
Marxuumka la dilay ayaa ka tirsanaa ergada Beesha Murusade, gaar ahaan jufada Sabti/ ee abakar.
Ciidamada AMISOM ee ilaaliya xarunta ayaa la sheegay inay dilkan geysteen iyagoo ka shakiyay ninkan ka midaa ergada doorshada.
Xarunta Doorashada ayaa cabsi weyn iyo kala carar laga soo sheegay iyadoo la hakiyay doorashadii halkaasi ka socotay oo saaka laba xildhibaan oo aan  lagu tartamin la sheegay in lagu doortay.
Goobjooge.com