Wararkii ugu danbeeyay doorashada guud ee dalka Uganda aaa sheegaya in Musharaxa Bobi Wine oo ugu horeeya mushariixinta mucaaradka ee la tartamayey Madaxweynaha xilka haya Yoweri Musaveni uu ka hor yimid natiijada Doorashada.
Bobi Wine ayaa sheegay Doorashada lagu shubtay, isla markaana uu dhacay been abuurkii ugu weynaa taariikhda Doorasho ee dalka Uganda, wuxuuna shaaciyey inuu isagu ku guuleysatay Doorashada oo uu yahay Madaxweynaha la doortay.
Robert Kyagulanyi oo loo yaqaan (Bobi Wine) ayaa ku dhawaaqay inuu isagu yahay madaxweynaha sharciga ah ee la doortay, halka ciidamada milateriga dalkaasi ay go’doomiyeen Gurigiisa.Â
Natiijadii ugu horeysay ee hordhac ahayd markii la tiriyey codadka 23% ayaa muujisay inuu si weyn ugu horeeyay Madaxweynaha doonaya inuu markii afraad ka taliyo dalkaasi ee Museveni oo helay 1,536,205 cod una dhiganta (65.02%), halka ninka ugu weyn ee tartaka kula jira Robert Kyagulanyi (Bobi Wine) uu helay 647,146 votes (27.39%).
