Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa goor dhoweyd la geeyay magaalada Muqdisho, isagoo diyaarad gaara ay ka keentay magaalada Xudur.
Sheekh Roobow oo ay la socdeen wiil uu dhalay, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliye ku xigeenka NISA ayaa loo diiday saxaafadda inay tagaan garoonka, iyadoo isla markii laga soo dejiyay garoonka Muqdisho waxaa la wareegay ciidamada NISA ee sirdoonka Soomaaliya.
Roobow iyo xubnaha la socda ayaa iminka ku sugan xarunta Madaxtooyada Villa Somalia. waxaana lagu wadaa inuu kulamo la yeesho madaxda dowladda Soomaaliya.
Shirar is daba joog ah ayaa ka socda xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo ku saabsan waxa laga yeelayo Sheekh Mukhtaar Roobow, waxaana arrinta ku lug leh Mareykanka oo qeyb ku leh in Sheekhan uu isu dhiibo dowladda Soomaaliya.