Maxkamadda Cadaallada Adduunka ee ICJ ayaa go’aan ka gaartay goor dhoweyd Dacwadii ay dowladda Qatar u gudbisay Maxkamadda ee ka dhanka ahayd dowladda Imaaraadka Carabta.
Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ C/Qawi Ahmed Yuusuf ayaa ku dhawaaqay Go’aan hordhac ah oo ku saabsan dacwadii Maxkamadda iyadoo dowladda Imaaraadka ku xukuntay inuu ku xadgudbay dadka reer Qatar ee dalkeeda ku noolaa, kadib xiisadii Khaliijka oo si gaara ay u beegsatay, iyadoo lagu amray inay xuquuqdoodu soo celiso qoysaska reer Qatar iyo Ardayda dalkaasi ee dhibaatada loogu geystay dalka Imaaraadka inta go’aan kama dambeys ah laga soo saarayo dacwadda.
Maxkamadda ayaa Imaaraadka ku xukuntay inay dhowrto Xuquuqda Insaanka, isla markaana ay ogolaato in qoysaska reer Qatar ee ay dalkeeda ka ceyrisay dib ugu soo laabtaan, isla markaana ay ogolaato si waajib ah in ardayda dalka Qatar ay Imaaraadka ku dhammeystaan waxbarashadii uga socotay dalkaasi.
Waxaa kaloo Maxkamadda ICJ qirtay in Imaaraadka looga baahan yahay inay ogolaato dadka reer Qatar ee ku waxyeeloobay falalkii ay kula kacday inay maxkamadaha dalkeeda ka dacwoodaan.
Dacwadda guud ahaan labada dal ayaa la filayaa in go’aan kale uu kasoo baxo iyadoo arrinta maanta ay soo saartay maxkamadda ay ahayd mid hordhac ah oo degdeg looga doonayo inay Imaaraadku hirgeliso.