Waxaa hadda soo gabagaboobay tirinta codadka doorashadii madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, iyadoo uu ku guuleystay Maxamed Cabdi Waare.
Tirinta codadka oo hadda uun soo dhammaatay ayaa muujisay inuu si weyn oo aqlabiyad ah uu ku guuleystay Musharax Maxamed Cabdi Waare oo helay 74 cod, isagoo noqonaya madaxweynihii labaad ee Maamulka Hirshabeelle.
Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqay inuu xilkii madaxweynaha Hirshabeelle ku guuleystay Maxamed Cabdi Waare oo helay 74 Cod, halka musharax Daahir Cabdulle Cawaale oo isna heley 23 cod, mana jirin wax cod ah oo xumaaday.
Goobjooge