Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa goor dhow shaaciyay jiritaanka weerar ay ciidamada Mareykankaku qaadeen saldhig kooxda Alshabaab ku leedahay Koonfurta Soomaaliya.
Xarunta wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentegon ayaa sheegtay in weerarka lagu qaaday awoodihii dheeraadka ahaa ee ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya jooga uu siiyay Madaxweyne Donald Trump.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ku sheegay inuu amray weerarka lagu qaaday saldhigga Alshabaab ee duleedka magaalada Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe.
AKHRISO QORAALKA WASAARADDA DIFAACA MAREYKANKA
Madaxweyne Farmaajo oo Amar ku bixiyay in la burburiyo Saldhigii ugu weynaa Alshabaab [Akhriso]