Friday, March 28, 2025

Mareykanka oo shaaciyey Askari iyo xubno kale oo looga dilay weerarkii Alshabab ee Saldhigga Lamu (Akhriso)

Taliska ciidamada Marykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa goor dhoweyd shaaciyay in weerarkii Alshabaab saaka ku qaaday Saldhigga Ciidamada Cirka ee Lamu, Gobolka Xeebta ee Kenya.

War kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyey in weerarka lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Mareykanka iyo laba xubnood oo ka mida qandaraaslayaasha Wasaaradda Difaaca Mareykanka, waxaa kaloo lagu dhaawacay weerarka Alshabaab laba askari oo Mareykan ah; iyadoo aan la shaacin magacyadooda.

Dowladda Kenya ayaa hore u sheegtay inaan wax qasaare dhimasho iyo dhaawac ah kasoo gaarin weerarka Alshabaab ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in lix diyaradood uu qasaare kasoo gaaray weerarka Alshabaab.

Ad

Alshabaab ayaa dhinaceeda War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay weerarka ku dishay 17 Mareykan ah iyo 9 Kenyan ah.

Dowladda Kenya ayaan wax war ah kasoo saarin qasaaraha kasoo gaaray weerarka Alshabaab, iyadoo hore u beenisay, laakiin warka caawa kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa shaki gelinaya sheegashada Kenya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON