Sunday, May 25, 2025

Mareykanka oo Liiska Argagixisada ka saaray Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur)

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay liiska argagixisada ka saartay mid ka mida mas’uuliyiinti hore ee Xarakada Alshabaab.

Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa laga saaray liiska argagixisada Waaxda Arrimaha dibadda ee Mareykanka oo hore lacag gaareysa 5 Milyan oo Doolar Mareykanku madixiisa u saaray.

Ilo ka tirsan Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa warkan laga soo xigtay sida ay sheegtay VOA-da, iyadoo bogga uu ku qornaa Sheekh Roobow iyo lacagtii la dul saaray aanu hadda jirin.

Ad

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa gebi ahaan ka baxay kooxda Alshabaab markii ay isku dhaceen amiirkii hore ee Alshabaab Mukhtaar Abuu Zubeyr oo laayay qaar ka mida madaxdii sare ee Xarakada, iyadoo aan la helin meel uu jaan iyo cirib dhigay marka laga reebo warar sheegaya inuu ku dhuumaaleysanayo Gobolka Bakool.

Warar hore loo shaaciyay ayaa sheegaya inuu wadahadal la galay dowladda Federaalka, waxaan arrintan Mareykanku uga saaray liiska argagixisada laga yaabaa inay hordhac u tahay qorshe uu Sheekha isu soo dhiibi lahaa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON