Tirinta codadka Doorashada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka ayaa goor dhow soo gabagabowday iyadoo ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad.
Doorashadan ayaa si weyn waxaa uga dhex muuqday Mahad Cabdalla oo aan la fileyn inuu soo laabto isagoo taageero ka helay xildhibaano kala nooc ah, siiba beelaha Dir, Daarood iyo Digil/Mirifle.
C/qaadir Baqdaadi ayaa intii ay socotay cod tirinta soo istaagay oo u hambalyeeyay Mahad Cawad. Codad badan ayuu Mahad Cabdalla ka helay xildhibaanada waxaana lagu dhawaaqayaa natiijada goor dhow.
Doorashada Mahad ayaa ka dhigan in Guddoonkii hore ee Baarlamaanka ay soo laabteen laba ka mida, halka xubinta ku cusub ay tahay C/weli Muudey oo booska kala baxay Jeylaani Nuur Iikar.
Guusha Mahad ayaa ka dhigan madax xanuun kale oo ku yimid madaxweyne Xasan Sheekh waxaana uu gacansaar la leeyahay madaxweynaha Puntland.
Goobjooge.com