Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay go’aankii naxdinta lahaa ee la sugayay oo ah in Mareykanku u aqoonsaday caasimadda Yuhuudda ee rasmiga ah.
Wuxuu caddeeyay in madaxweynayaal badan ay ka baqeen tallaabadan inay qaataan, wuxuuna intaas raaciyay in arrintan 20 sano dib loo dhigayey balse uu maanta qaadayo tallaabadaasi, wuxuuna ku dhawaaqay in caasimadda Isra’el ay tahay Qudus oo safaaaradda Mareykanka loo rarri doono halkaasi.
Tallaabadan ayaa dalal badan oo muslim ah uga digeen Madaxweyne Trump, iyadoo uu dhegaha iska mariyay isla markaana uu qaaday tallaabadna qar iska xoornimada oo uu hore ugu balanqaaday intii uu ku jiray ololihii doorashada.
Yuhuudda ayuu ku amaanay inay yihiin dad dimoqraadi ah oo muddo 70 sano ah soo jiray iyadoo si aan caadi ahayn u bogaadiyay dowladnimada Israel.