Sunday, January 26, 2025

DEGDEG: Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya sameystay Gole Cusub [Akhriso]

Shirkii madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa ku soo dhammaaday magaalada Kismaayo iyadoo lagu sameeyay Gole xiriiriya Madaxda Maamulladaasi.

Sida uu xaqiijiyay agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland waxaa madaxda maamul Goboleedyada ay ku heshiiyeen oo ay sameystaan Gole la magac baxay ICC oo qaabilsan Iskaashiga MAAMUL GOBOLEEDYADA (Inter-states Cooperation Council-ICC).

Golahan ayaa laga doodayay muddooyinkii ugu danbeeyay qaabka uu hoggaankiisu yeelan doono iyo awoodihiisa, waxaana war-murtiyeedka Shirka Kismaayo lagu wadaa in Caawa ay soo saaraan madaxda Maamullada shanta ah ee ka qeyb galay.

Ad

Dhismaha Golahan ayaa calaamad weyn dul saaraya, hay’adaha dowladda Federaalka ee Madaxtooyada iyo Aqalka Sare, iyadoo aan la ogeyn qaabka ay u wada shaqeyn doonaan, haddiiba Golahan uu go’aano kasoo saaro xaaladdaha Soomaaliya, taasoo keeni karta awoodo is barbar socda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON