Tuesday, December 10, 2024

DEGDEG: Madaxweynaha Ruushka oo ku dhawaaqay inuu Dowlado u aqoonsaday Gobollo ka go’ay Ukraine

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa khudbad uu u jeediyay shacabka dalkiisa ka hadlay xaaladda ka dhex taagan Ruushka iyo Ukraine.

Wuxuu sheegay in dalka Ukraine ee hadda jira laga dhex sameeyay Dalka Ruushka, isla markaana uu dhisay madaxweynihii hore ee Ruushka Lenin, ayna taariikh ahaan dhul ka mida Ruushka, isagoo khalad taariikheed ku tilmaamay in loo ogolaado dalalkii Ruushka ka baxay ee xoriyadda qaatay.

Wuxuu sheegay in Ukraine ay Galbeedka ka heshay hub aad u faro badan, ayna si fudud usameysan karto Hubka halista ah ee Niyukliyeerka, taasina ay keeni doonto xaalad cusub Yurub oo dhan ay wajahdo, taasina aanu Ruushku gacmaha ka laaban karin.

Ad

Ukraine ayuu ku tilmaamay dowad aan madax bannaaneyn oo Mareykanku maamulo, madxadeeduna ku sifoobeen musuqmaasuq iyo u shaqeynta Ajnabiga, iyagoo ka baxay dhammaan heshiisyadii ay la galeen Ruushka.

Khudbad dheer waqti dheer qaadatay kadib wuxuu Madaxweynaha Ruushka ku dhawaaqay inuu laba dowlad u aqoonsaday Labada Gobol ee ka go’ay dalka Ukraine ee kala ah: Donetsk iyo Luhansk.

Madaxda labadaas Gobol ee Ruushku aqoonsaday ayuu Madaxweynaha Ruushka la saxiixay heshiisyo iskaashi, saaxiibtinimo iyo milateri.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON