Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa amar ku bixiyey inay ciidamadiisa Niyukliyeerka galaan heegan sare, isagoo uga jawaabaya falal cadaawad ah oo uga yimid Gaashaandbuurta NATO.
Amarka Putin ayaa yimid, kadib markii go’aano caddownimo uu sheegay inay uga yimaadeen dalalka NATO, iyadoo dagaalka Ukraine uu galay maalintii afraad, isla markaana dagaallo qaraar ay ka socdaan magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.
Ciidamada gacanta ku haya hubka Niyukliyeerka ee wax baabi’iya ee Ruushka ayaa isugu jira maraakiibta Gujisyada Badda hoosteeda, Gantaalaha Qaaradaha isaga gudba iyo kuwa ay diyaaradaha dagaalka ee waaweyn ay xambaaraan.
“Dallaka Yurub waxay qaadanayaan qaraarro naga dhan ah, waxay jeedinayaan hadallo cadaawadeed, Waxaan amrayaa taliyaha ciidamada Ruushka inuu xaalad degdega kusoo rogo ciidamada Qaranka guud ahaan iyo hubka Niyukliyeerka” ayuu yiri Putin.
Madaxweynaha Ruushka ayaa hore uga digay dallaka reer galbeedka hadii ay isku dayaan inay so ofarageliyaan dagaalka Ukraine inay wajihi doonaan jawaab aysan weligeed ku fekerin.
