Kulankii loo ballansanaa Berri ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa la joojiyey, kadib loo diray xildhibaannada goordhoweyd.
Farriin ka timid Guddoonka Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in shirkii Berri dib loogu dhigay ilaa Arbacada, waxayna u qorneyd: “M.ne Xil. Shirkii Beri oo Isniin ah loo balansanaa waxaa dib loogu dhigey maalinta Arbacada oo tariikhdu tahay 31 March”.
Arrintan ayaa la sheegay inay ka danbeysay cadaadis la saaray Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaasoo ka yimid wakiilada Beesha Caalamka iyo qaar ka mida madaxda maamul Goboleedyada.
