Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee u tartamaya Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa qarka u saaran inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha kadib markii uu hoggaanka u qabtay Gobolka muhiimka ah ee Pennyselvenia.
Tirintii codadkii ugu danbeeyay ayaa maraya in Biden uu ku horeeyo cadod dhan 6,737 Gobolka Pennsylvania, wuxuuna sidoo kale hore uga daba yimid oo hoggaanka u qabay Gobolka Georgia, waxaana hadda harsan oo kaliya in si rasmi ah loogu dhawaaqo natiijada Gobolkan.
Inkastoo Madaxweyne Trump uu ku howlan yahay dacwad uu furto ayaa haddana Biden wuxuu isu diyaarinayaa inuu ku dhawaaqo inuu ku guuleystay doorashadii madaxweynaha.
Xaalad kale oo muunineysa in Biden uu Madaxweyne ku socdo ayaa ah in ciidamada gaarka ah oo badan ay tageen xarunta u udegan yahay, si ay amnigiisa u ilaaliyaan, iyadoo la xiray hawada Delaware ee xarunta u ah.
