Saturday, April 19, 2025

In ka badan Shan Dowladood oo shaacisay xilliga ay bilaabaneyso Bisha Ramadaan [Akhriso]

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dowlado dhowr ah ay ku dhawaaqeenmaalinta ay bilaabaneyso Bisha Ramadaan ee sanadkan 1439 H / 2018 M.

Dowladaha Qatar, Turkiga. Maleysia, Indonesia, Cumaan, Suniyiinta Ciraaq iyo dalal kale  ayaa shaaciyey in maalinta Berri ah ay tahay dhammaadka Bisha Shacbaan oo 30 maalmood ku dhammaaneysa, isla markaana Khamiista ay tahay maalinta koowaad ee Bisha Ramadaan.

Wararka ayaa sheegay in maqribnimadii maanta la arki waayay bishii Ramadaan, sidaas darteedna ay qasab noqotay in bisha Shacbaan la buuxiyo oo ku dhammaaneysa 30 maalmood.

Ad

Wararka laga helayo Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegaya in sidoo kale ay suuragal noqon weyday in la arko Bishii Ramadaan maqribnimadii, isla markaana lagu dhawaaqo in Berri ay tahay 30-ka Shacbaan, soonkuna bilaabanayo Khamiista.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON