Sunday, May 25, 2025

DEGDEG: In ka badan 20 arday oo lagu dilay weerar lagu qaaday Jaamacad ku taal Pakistan

Jaamacad ku taala Waqooyiga galbeed ee Pakistan oo weerar ay ku qaadeen kooxo islaamiyiin hubeysan ayaa la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 20 arday, dhawacuna gaarayo 50 kale, iyadoo weerarku uu weli socdo lagana cabsi qabo in qasaaruhu intaas ka bato.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa laga maqlay subaxnimadii saaka oo weerar lagu qaaday jaamacadda Bacha Khan ee ku taala degaanka Charsadda, waxaana ciidamada iyo kooxda weerarka soo qaaday dhex maray dagaal weli socda oo lagu dilay sidoo kale afar dabley ah.

Dad dhintay ayaa la sheegay inay  weli dhex yaallaan dhismaha Jaamacadda oo weli ay ku dagaalamayaan ciidamada Ammaanka Pakistan iyo dableyda weerarka soo qaaday.

Ad

Goobjooge.com

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON