Saturday, March 15, 2025

Iiraan oo Gantaallo ku duqeysay laba Saldhig oo Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq. [Jawaabtii dilka Gen. Suleymani]

Dowladda Iiraan ayaa jawaabtii ugu horeysay ka bixisay dilkii taliyihii ciidamada Qudus Jeneraal Qaasim Suleymani, waxayna gantaallo ku duqeysay labada saldhig oo ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Ciraaq.

Weerarkan oo dhacay saqdii dhexe ee kadib ayaa lagu qaaday saldhiga Cayn-Al-asad iyo saldhigga Irbiil oo ah saldhigyo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka, waxaana lagu duqeeyay in ka badan 12 Gantaal oo dhulka laga riday, dhulkana wax ka dila.

Saldhigga Ceyn-Al-asad oo magaalada Baqdaad u jira 30 KM ayaa la sheegay inay ku dhaceen ilaa 13 Gantaal oo ka yimid dalka Iiraan, waxaana weli socda qiyaasta qasaaraha ay geysteen, halka saldhigga kale ee Irbiil, gobolka Kurdistan lagu riday ilaa 3 gantaal.

Ad

Taliska Ciidamada Ilaalada Kacaanka ayaa caddeeyay in weerarka lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee dalka Ciraaq lagu magacaabay Jeneraalka Qasim Suleymani. waxaana weerarkaasi xaqiijiyey Wasaaradda difaaca Mareykanka oo sheegtay in weerar sawaariiq ah lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka.

Weerarka ayaa lagu wargeliyey madaxweynaha Mareykanka, waxaana la qiyaasayaa qasaaraha ay geysteen gantaalaha Iiraan ku weerartay saldhigyada Mareykanka. Iiraan ayaa dhinaca kale u digtay dalalka Khaliijka haddii Mareykanka isku dayo inuu weerarro Iiraan.

Madaxweyne Trump oo farriin soo diray ayaa sheegay in wax waliba ay wanaagsan yihiin, isla markaana la qiyaasayo qasaaraha ay geysteen weerar gantaallo ah oo Iiran ku qaaday saldhigyada Mareykanka. wuxuu intaas ku daray in Mareykanka uu leeyahay ciidamada ugu wanaagsan iyo hubka ugu casrisan dunida. ayna xaaladu degan tahay, isagoo faahfaahin bixin doono Arbacadda maanta.

- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan Javad Sherif ayaa farrii uu soo saaray ku sheegay in Iiraan aysan dooneynin dagaal, balse ay xaq u leedahay inay is-difaacdo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in hore loogu digay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq, isla markaana ay isu diyaariyeen inay ka badbadaan gantaallaha la filayey inay ka yimaadaan Iiraan, iyadoo qasaare soo gaaray ciidamada Mareykanka aan lasoo sheegin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON