Tuesday, December 3, 2024

DEGDEG: Guddoomiye Mursal oo ku dhawaaqay in la riday xukuumadii Xasan Cali Kheyre

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh ayaa ku dhawaaqay in Baarlamaanka uu kalsoonidii kala laabtay xukuumadda Xasan Cali Kheyre.

Muran xoog leh ayaa hareeyay furitaankii Golaha shacabka oo ajendaha maanta uu ahaa ka doodista Ajendaha Doorashada, waxaana arrintaasi ka hor yimid Wasiirada Xukuumadda ee Baarlamaanka oo muran geliyay ajandaha, iyadoo la sheegay nay ka War hayeen qorshe qarsoon oo ah in la rido xukuumadda.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh iyo ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa isla markii ay golaha soo galeen ku dhawaaqay in xukuumadda loo qaado codka kalsoonida, wuxuuna ku dhawaaqay inay dhacday xukuumadda iyadoo uu buuq weyn ka taagan yahay.

Ad

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in xukuumadda ay ku fashilantay dhammaan howlihii loo igmaday sida inay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON