Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Federaalka C/weli Ibraahim Muudey iyo Mahada Cabdalla Cawad ayaa soo saaray qodobo dhowr ah oo ku saabsan khilaafka ka dhex taagan guddoonka Baarlamaanka oo kasii daray markii mooshin laga keenay Madaxweyne Farmaajo.
Shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd qabtay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayuu ka akhriyey qoraal ka soo baxay labada guddoomiye ku xigeen.
Qodobadda ay soo saareen labada Guddoomiye ku xigeen waxaa ka mida; in guddoomiye Mursal aanu sameyn karin wax dhaqdhaqaaq iyo amar ah, isla markaana bixin karin dhaqaale isagoo aan la tashan labada ku xigeen.
Waxay labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka sheegeen in Xogheynta Baarlamaanka aanay fulin karin amarro iyo go’aamo ka danbeeya khilaafka kadib, waxayna diideen in shirar kooxeed lagu qabto xarunta Villa Hargeysa.
Dhinaca kale labada guddoomiye ku xigeen waxay sheegeen inaysan aqoonsaneyn Guddiga Maaliyadda ee la kala diray, iyagoo sheegay in laga heshiiyo guddi KMG ah oo la soo magacaab, iyadoo ku baaqay in sugo amnigaarunta Baarlamaanka.
HOOS KA DAAWO