War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Gantaalkii Shiinaha ee ‘Long March 5B’ dhulka kusoo dhacay, isagoo burburay markii uu hawada dhulka soo gaaray, kadibna ku dhacay Badda Carabta.
Dowladda Shiinaha ayaa shaacisay goor dhoweyd in Gantaallka uu ku dul burburay Badda Carabta (Arab Sea), halkaasina haraagiisii ay ku dhaceen. 29-ka bishii April ayuu gantaalkan hawada sare geeyay dayax-gacmeed uu Shiinuhu leeyahay, iyadoo kadibna la xukumi waayey.
Wararkii ugu danbeeyay ee dalka Shiinaha uu baahiyo ayaa sheegaya in Gantaalka uu ku dhacay Badweynaha India. Wuxuu dul maray Jasiirada Maldives ee Badweynta Hindiya.
Wakaaladda Hawada sare ee Shiinaha ayaa goor dhow xaqiijisay Dib-u-soo-noqoshada Gantaalka inay dhacay ka dhacday 02:24 UTC Axaddii, ama 5:24 Axad xilliga Mogadishu; sida laga soo xigtay Maamulka Hawada Qaranka ee Shiinaha.
Hay’adaha hawada sare qaabilsan ee Mareykanka ayaan weli xaqiijin soo dhicitaanka Gantaalkan Shiinaha ee culeyskiisu gaarayey 18-ka tan.
LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA…
