War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay shaacisay dilka hogaamiyihii ururka Al-qaacida Sheekh Ayman Al-dawaahiri.
Warkan oo laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ayaa lag sheegay in Hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahri lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn dabayaaqadii todobaadkan, kaasoo ka dhacay dalka Afghanistan.
Shaacinta Warka Dilka Ayman Al-dawahiri ayaa dib loogu dhigay si loo hubiyo geeridiisa, iyadoo maalmo kadib saxaafadda Mareykanka loo dusiyey arrinta weerarka lagu dilay hoggaamiyihii urur weynaha Al-qaacida.
War qoraal ah oo uu siiyay warfidiyeenka, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka ayuu ku yiri: “Dhammaadkii isbuucii hore, Mareykanku wuxuu fuliyay howlgal ka dhan ah bartilmaameedka muhiimka ah ee Al Qaacida ee Afghanistan. Howlgalka ayaa ahaa mid lagu guuleystay, mana jirto wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.”
Mid ka mid ah dadkii howlgalkaasi lagu soo wargeliyay ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Kabul ay hormuud ka tahay CIA-da.
Madaxweyne Joe Biden ayaa la filayaa inuu goor dhow jeediyo khudbad ku saabsan “hawlgalka lagu dilay hoggaamiyihii Alqaacida oo sidoo kale ay hoos tagaan dagaalamayasha Alshabaab ee ka howlgala Soomaaliya.
Zawahiri, oo ahaa 71 sano jir ah, ayaa ahaa astaanta kooxda Alqaacida, 11 sano kadib markii Maraykanku dilay hoggaamiyahoodii koowaad ee Osama Bin Laden.
