Musharaxa muranka badan dhaliyay ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa qarka u saaran inuu noqdo madaxweynaha 45aad ee Mareykanka.
Doorashada dalka Mareykanka oo natiijadeeda ay iska soo daba dhaceyso ayaa gobollada lagu loolamo ayaa la sheegay inuu ku horeeyo Donald Trump.
Ganacsadaha maalqabeenka ah ee reer Mareykan oo aan siyaasadda wax shaqo ah ku lahayn ayaa hadda qarka u saarna inuu galo aqalka cad sida ay sheegayaan saadaasha ugu danbeysa isagoo ku horeeyo gobollada muhiimka ah ee u horseedi kara inuu noqdo madaxweynaha cusub ee Mareykanka.
Taageerayaasha Hillary Clinton ayaa u muuqda kuwo niyad jab ay soo wajahday, oo hadda u muuqda inay arrintu ku socoto guul uu gaaro Trump.
Clinton ayaa guul ay ka gaarto waxay ku xiran tahay arrin mustaxiil u muuqata oo ah inay ku guuleysato gobollada Michigan, Wisconsin, Arizona iyo New Hampshire, kuwasoo xilligan ayna midka ku horeynin.
AKHRISO: Natiijada doorashada Mareykanka