Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in shil diyaaradeed uu ka dhacay degmada Bardaale.
Diyaaradan oo ahayd mid yar oo xamuul ayaa la sheegay inay ku dhacday Berdaale, lamana shaacin sababta rasmiga ah ee shilkeeda ka dambeeyay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in hub lagu toogtay, ayna dhacday iyadoo holac weyn uu qabsaday.
Ilaa 5 qof oo diyaaradda la socotay ayaa la sheegay inay ku dhinteen. Shirkadda diyaaradan leh ee African Express ayaa sheegtay in diyaaradda shilka gashay ay Daawooyin gaysay magaalada Bardaale ee Gobolka Bay.
Diyaaraddu ayaa la sheegay inay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha magaalada. Sababta ay usoo dhacday diyaaradda ayaan ilaa hadda si cad loo sheegin.
Wararka qaar ayaa arrintan ku eedeynaya ciidamo Itoobiyaan, inkastoo aanay jirin cid xaqiijisay.
LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA..