War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ay dhacday kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iiraan.
Diyaaradan oo laga leeyahay dalka Ukraine, nooceeduna yahay Boeing 737 ayaa siday dad rakaab ah oo gaaraya 180 qof iyo shaqaalaha diyaaradda, waxayna dhacday wax yar kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Imaam Khomeyni ee magaalada Tehran.
Wararkii ugu horeeyay ee shilka diyaaradeed ayaa sheegaya in diyaaradda ay u dhacday cilad farsamo, sida ay shaacisay wakaalada wararka Iran.
Hay’adda bisha cas ee Iran ayaa xaqiijisay inaan cidna ka badbaadin diyaaradda Ukraine lahayd ee ku dhacday agagaarka garoonka magaalada Tehran.