Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in diyaarad xamuul ay ku dhacday Garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, Gobolka Hiiraan.
Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku burburtay gudaha garoonka diyaaradaha magaaladda Baledweyne, waxaana diyaaradda qabsaday dab, iyadoo ku gubaneysa Garoonka qeyb ka mida.
Diyaaraddan ayaa la sheegay inay siday Raashin gargaar ah oo ay ku deeqday dowladda Jabuuti, waxaana la sheegay inay Garoonka ku degtay iyadoo dab ka baxayo, waxaase ka badbaaday Duuliyihii diyaaradda iyo la Caawiye oo waday diyaaradda.



Warar Xul ah