Saddex degmo oo ka tirssan gobolka Bakool ayaa lagu dhawaaqay inay ka baxeen maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee uu hogaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaana ay si toos ah hoos tagayaan dowladda Federaalka iyadoo waxgaradka iyo mas’uuliyiinta degmooyinkaasi ay codsadeen inay ka mid noqdaan maamulka loo sameynayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xerow oo ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale oo la socda oo tegay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa sheegay in dadka degaanka ay la kulmeen iyagoo ka cabanaya maamulka Koonfur Galbeed isla markaana ay ka soo qaadeen codsiga ku saabsan inay saddexda degmo ee ka tirsan gobolka Bakool ee kala ah: Yeed, Aato iyo Ceelbarde ku biiraan maamulka gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Xildhibaan Xerow ayaa caddeeyay in waanwaan ay doonayeen inay ka galaan arrintan iyo kulamo ay la yeesheen madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan uu ku gacan seyray waanwaantoodii, go’aanka ay qaateen dadka degaankaasina ay gaarsiinayaan dowladda Federaalka.
Wuxuu intaas ku daray in arrinta ka bixitaanka maamulka K/Galbeed ay u furan tahay dadka saddexda degmo ee Yeed, Ceelbarde iyo Aato inay ka baxaan maamulkii aysan dooneyn sida uu qoray dastuurka federalka.
Waa degmooyinkii ugu horeeyay ee sheegta inay ka baxeen maamul ay ka mid yihiin, iyagoo hore u dalbaday xubno dheeraad ah oo laga siiyo Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo degmo kasta loo qoondeeyay saddex xubnood balse degaanka Aato la sheegay inuusan degmo ahayn.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]