Dalka Indonesia ayaa ku dhawaaqay in la arkay bishi Ramadaan ee sanadkan 1440 Hijriyada, isla markaana dalkaasi laga soomi doono Berri maalinta koowaad ee Ramadaanka.
Waxaa dalkaasi oo 4 saac ka horeeya xilliga Soomaalia la shaaciyey in Berrito oo Isniin ah oo ku beegan bisha May 6 2019 ay tahay billowga Ramadan 1440H. xilliyada kala duwan ee dalalka dunida kala horeeyaan ayaa sababtay in dal maalin dhexe ku jira dal kale habeen galo.
Dalal badan ayaa berri bilaabaya soonka bisha Ramadaan oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Dalalka intooda badan waxay maanta u ahayd 30-ka Shacbaan, taasoo qasab ka dhigeysa berri inay noqoto Ramadaan, laakiin inta badan dalalka Aasiya ayuu shacbaanku u ahaa 29 , taasoo ka dhigeysa inay aragtida ku soomaan.
RAMADAAN KARIIM
